spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidankii Kurdida ee SDF oo magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , ka...

Ciidankii Kurdida ee SDF oo magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , ka fuliyay weerarro Culus.

0
32

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Ciidankii Kurdida ee SDF ayaa magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , ka fuliyay weerarro is qarxin ah oo ay geysteen xubno ka tirsan SDF, si ay u beegsadaan ciidanka dawladda Suuriya ee kula dagaallamaya gudaha Xalab, halka ay sidoo kale SDF fuliyeen weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay maanta ku beegsadeen dhisme ay ku sugnaayeen wasiirka warfaafinta Suuriya iyo guddoomiyaha Xalab, ma jirin weerarkan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, sida uu qiray kanaalka Kurdiga ah ee Ruwad, wallow ay SDF iska fogeysay mas’uuliyada weerarradan.

Dagaallada ka socday gudaha magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya oo u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo SDF, ayaa galay waji kale markii dagaalka dhulka looga adkaaday ciidanka Kuridada ee SDF, hadda waxay billaabeen weerarro ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya oo ay maanta ku weerarreen dhisme ku yaal Xalab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here