Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, Qandhada wadata dhiigbaxa fayrasku ama (Haemorrhagi Fever) waa magac guud oo loo bixiyo noocyada kala duwan ee cudurrada fayraska. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah qandhada jaalaha ah, qandhada dengue, iyo Ebola.
Qandhada Crimean–Congo iyo xumad Rift Valley ayaa sidoo kale isku nooc yihiin, sida lagu sheegay macluumaadka lagu daabacay bogga Ururka Caafimaadka Adduunka.
Qandhada dhiigbaxa wadata waa cudur inta badan saameeya hab-dhiska xididdada dhiigga ee jirka oo wax u dhimaya awoodda uu jirku isku hagaajin karo. Waa xanuun halis galin kara noolasha qofka.
War-saxaafadeed ay shalay soo saareen wasaaradda caafimaadka iyo machadka caafimaadka dadweynaha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xanuunka dhiig baxa ee ka dilaacay magaalada Jinka ayna “baaris ku socdo”.
Waa maxay calaamadaha cudurka?
Wasaaradda caafimaadka iyo machadka caafimaadka dadweynuhu waxay calaamada cudurkan ku tilmaameen “dhiig ka soo baxaya afka, sanka iyo qaybaha kale ee jirka”. “Qandho, qarqaryo, iyo matag” ayaa sidoo kale lagu sheegay calaamadaha uu wato.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda waxa ay ku dartay murqo xanuun degdeg ah, madax-xanuun, iyo shoog la xiriira dhiig-baxa oo ah calaamado dheeraad ah.
Xogta ururku waxay sidoo kale muujinaysaa in cudurku uu carqaladayn karo shaqada caadiga ah ee xubnaha jirka uuna xibnaha qaar ka dhigi karo howlgab. Calaamadaha ugu horreeya ee cudurku waa qandho, madax-xanuun, daal, murqo xanuun, iyo miyir beel.
XIGASHO BBC



