Cutubyadii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska DANAB oo gaaray Buurhakaba.

0
14

Jimco 27 March 2026 {HMC} Cutubyadii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska DANAB ayaa goordhaw gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ay ku soo dhaweeyeen iyadoo ay ka muuqato taageero weyn oo ka timaada shacabka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa hadda awood u yeeshay inay si fudud u socdaan dhul fog iyo gobollo kala duwan oo dalka ah, taasoo muujinaysa xoojinta iyo sare u kaca awoodda dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo nabadeynta ee dalka.

Horjooge walba oo dadka iyo deegaanada afduub u heesta, waxaa suuragal ah in uu la kulmo cadaadis aan horay loo arag, iyadoo 2026 loo rajeynayo inuu noqdo xilli aad u muhiimsan oo dowladnimada xoogeysaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here