Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lootaba barayo dhinaca Baarashuutka .

0
15

Khamiis 12 March 2026 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la soo bari doono sida loogu duulo Baarashuutka.

“Waa markii ugu horreysay ee aan tababar noocan ah u dirno ciidanka, waxaana la idiinka fadhiyaa inaad soo barataan farsamooyinka ugu casrisan ee dagaalka iyo qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee ay bixiyaan saaxiibada caalamiga ah, si aad dalka ugu soo laabataan idinkoo diyaar u ah fulinta waajibaadka adag ee sugidda amniga,” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

Marka ay soo dhammaystaan tababarkan, cutubyadan takhasuska leh ayaa lagu biirin doonaa howlgallada, si ay u xoojiyaan dagaalka AS iyo Daacish.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waday casriyeyn ay ku sameynayso Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si sare loogu qaado amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here