spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS CXDF & Daraawiishta Jubbaland oo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

CXDF & Daraawiishta Jubbaland oo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

0
110

Sabti 29 June 2024 {HMC} Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB & Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ay ka wadaan deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil katirsan ciidanka howlgalka wada ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta kordhisay howlgalkooda uu yahay ‘Adkaynta amniga goobaha ay kala wareegeen ciidamada Howlgalka kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamadaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay howlgallo ka wadeen deegaanno dhowr ah oo hoostaga Buula Xaaji waxa ay saldhigyo cusub ka sameysteen tuulooyinka qaar si ay u hubiyaan Gaadiidka iyo Dadka la socda..

Kumaandooska DANAB waxaa mararka qaar la howlgalla saraakiil katirsan ciidamada Mareykanka ee tababarka gaarka ah siiyay ciidankaan isla markaana ku caawiyay hubka, Gaadiidka iyo agabka kale ay ku howlgalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here