spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay qaladka ay ka galeen Imaaraadka...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay qaladka ay ka galeen Imaaraadka Dalka.

0
18

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh oo sharraxay sababtii ka dambeysay go’aamadii ay uga baxeen heshiisyadii dawladda Imaaraadka Carabta, wuxuu yiri

“Dawladda Imaaraadka Carabta , si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dawlad mid ah oo madax bannaan… ma aanan deg degin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal , ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna , iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn , kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya, ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib waxaa qasab noqotay inan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay dawladda Imaaraadka.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here