spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO MUQAALKA} Shan mar ayeey Guryahooda ka qaxeen Shacabka Baladweyne Halsano iyo...

{DAAWO MUQAALKA} Shan mar ayeey Guryahooda ka qaxeen Shacabka Baladweyne Halsano iyo Bar gudihiis.

0
131

Axad 18, August  2024 {HMC} 15-ka Bil ee ugu danbeeysay waxeey wajaheeysay dhibaatooyin la Xariiro Fatahaado uu sameeynayay wabiga Shabeele Baldweeyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan.

 

Sadax mar oo ka Mid Ah waxaa magalada looga qaxay fadahaad uu sameeyay wabiga, laba marna waxa looga qaxay biyo uu so rogay kaliga nuur xawaad kadib roobab saacado badan ka da aayay Baladweyne  waxaana ay taas oo Ka Dhigeeyso Mudadaadsi 15-ka Bil ah in Qooysaska Qaar Guryahooda ka Qaxeen ilaa 5 jeer.

 

Magaalada Baldweeyne Wexeey Ka mid tahay Meelaha saameenta Daran aay ku yeeshaan Fadahaadaha Wabiga, Waqti Xaadirkaan Waxa Laga Dareemayaa Cabsi Xoogan oo Soo Food Saartay Dadka Ku Sugan Magaalada iyo Sido Kale Beeraleeyda.

 

Ma Jiraan Wax roob ah oo ka Da,ay magalada iyo nawaaxigereda balse waxaa ay cabsida xoogan oo ku aadan in uu wabiga shabelle ku fataho guryahooda madaama uu wabiga wado biyo farabadan kadib roobab ka da ay dhulka jooga sarre ee itoobiya.

 

Xaafda Xaawa Taako oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baldweeyne waxa ku fatahay wabiga, inkastoo dadka xaafadaas ay sameeyeen dadaalo lagu celinaayo Biyaha Wabiga balse waxaa ay sii kordhisay walaaca ay qabaan dadka deegaanka.

 

Marka laga tago cabsida ay ka qabaan dadka reer Baladweyne Fatahaad ku dhifato Magaaalada ma jiro qorsho rasmi ah oo wax looga qabanaayo fatahaada ku so laab laabatay deegaanka.

W/Cabdiqani Cosoble 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here