Arbaco1 Jan 2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in cadaalad u helida askartii dhawaan lagu dilay Ceel Baraf ay tahay mid u taala dowladda Fedaraalka.
Taliye Sanbaloolshe oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka waday kulamo looga arinsanaayay xal u helista xiisada ka dhalatay askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee Khamiistii lasoo dhaafay lagu laayay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa imaanaya, iyadoo Baledweyne ay maalintii labaad ku sugan yihiin odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Mudulood oo uu hoggaaminaayo Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Cumar, kuwaas oo u tagay Baledweyne xal u helista Xiisada ka dhalatay Askartii Ceel baraf lagu laalay Khamiistiis lasoo dhaafay.






