{DAAWO MUQAALKA} Waa tee magaalada loogu yeero caasimada furiinka?.

0
99

Isniin 08 July 2024 {HMC} Lamaane ku nool magaalada Kano oo loo yaqaanno “caasimadda furiinka” ee dalka Nigeria, ayaa lagu ammaanay guurkooda dheer kadib markii ay dhawaan u dabaaldegeen sannad-guuradii 50-aad ee guurkooda.

Maxmuud Kabir Yuusuf iyo Rabiatu Tahir, ayaa BBC-da uga warramay sirta farxaddooda iyo sababta guurka badan ee uu u fashilmo magaalada waqooyiga Nigeria ku taalla ee Kano, muuqaalka ay arrintan ku sharaxeen ayaa falcelin badan dhaliyey.

Maxamuud Yuusuf, oo 76 sano jir ah ayaa arrintan ku macneeyey xaaskiisa oo leh sifooyin deeqsinimo iyo naxariis, isagoo BBC-da u sheegay “Iyadu waa qof nafta uu hurtay , wax badanna ka qayb qaadatay guusha guurkeena.”

Markii weerahan ay afkiisa ka soo baxeeyey Yuusuf, xaaskiisa Taher, waxa ka muuqday farxad, hadda Taher waa da’da lixdameeyada. Iyada qudheedu waxay ninkeeda ku ammaantay dulqaad iyo adkaysi marka dhibaatooyin soo wajahaan dhammaan qoyska. Qoyska Maxmuud iyo Taher, waxay leeyihiin saddex iyo toban ilmood.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here