Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} 40 tuulo oo ku taalla Magaalada Baladweyne waxaa ka socdaa ololo Si bilaasha ah loogu Daaweeynayo Xoolaha ka Xanuunsan dadka Xoolo dhaqatada oo deegaanadan ku nool. Kuwaas oo ay saameeyn ku yeesheyn isbadalka Cilmilada iyo Coladaha deegaanka ka jiray.
Furuq, sambab iy guuryaanka, Cambaarta iyo Shlinta Xoolaha ayaa kamid ahaa kuwa ugu badan ee Xoolaha looga daaweeynayo ololaha inta ay socdeeyn sida ay sheekeyn ururka dhaqaatiirta Xoolaha ee Gobolada dhaxe ee Sareerba oo howhan wado,
Xiro walba uu Xoolo ay ku Xareeysan yahiin oo aan booqanay Waxaa Xaqiiq ah in qaar kamid ah Xoolahaas qeeyb kamid ah ay Xanuunsan yahiin Xiligan Waxaana loo sameeyey daaweeyn. Ururka dhaqaatiirta Xoolaha Gobolada dhaxe ee Sareerba ayaa ololoahan daah furay 23-Bishii lasoo dhaafay waxaana u uku eg yahay 25-Bishan Bishan iyaga oo taageero ka helayo hay’ada F A O . Waxaana lagu daaweynaya 187,500 oo neef kuwaas oo iskugu jiro, Ari, geel , lo iyo Dameero.
Cabullaahi Cabdi Abuukir oo kamid ahaa dhaqaatiirta Sareerba ayaa Faah Faahin ka bixiyay Ololhan socda iyo sida ay Bulshada uga faa’ideeysanayaan. Ururka dhaqaatiirta Xoolaha ee Gobolada dhaxe ee Sareerba ayaa sheegay in dhamaan dadka xoolo dhaqatada ah xoolohooda loo daaweyn doonaan inta ay howshan socto. Waxaana intaasi ku dareeyn in ahmiyad gaar ah siinayaan Sidii loo Heli Lahaa Xoolo Caafimaad qabo.
Deegaan walba waxaa ay Kooxdan aadayaan Maalmo u gaar ah iyada oo dadka xoolo dhaqatadane lasii wargalinayo si ay u diyaarsadaan xoolaha ka xanuunsan. Waxaana aritaasi fududeeysay in Xoolo badan ay ka faa’ideeystaan.
Daahir Muumin oo Xoolo dhaqatada Cadaleey kamid ah ayaa Ergo usheegay in 70 Neef oo ari iyo edo ah loogu daaweeyay inta ay socdeeyn ololahan lacag la’anta. Waxaana uu sheegay In uusan awoodin dhaqaalo uu kaga daaweeyo Xoolahiisa oo qaar kamid ah uu haayay Cudurka Sambabka.



Sawir Qaadi Abdirisak Ahmed Hussein
Hiiraanweyn



