Talaado 13 August 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada iyo Maamulka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay sadax Xubnood oo ka tirsaan Kooxda Al-shabaab kuwaas oo lagu qabtay howlgal halka mid kalena uu ise soo dhiibay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Farlibaax Maxamed Salaad shiilkh ayaa sheegay in Howlgalo ay mudooyinkii dambo ay ka wadeeyn deegaano hoostaga degmada Farlibaax, ay sababeeyn in Xubno ka tirsan ay Ciidamada isku soo dhiibaan.
Taliyaha ayaa sheegay in labo kamid ah kuwa Howlgalka lagu qabtay ay yahiin Ajaabin Mudo dheer ka tirsanaa Kooxda, kuwaas uu sheegay In ay ku Wareejiyaan Taliska Ciidamada Dowlada ee Gobolka Hiiraan, si baaris loogu Sameeyo. Halka qofka Sadaxaadna si Caadi ah isku soo dhiibay.
Gudoomiyaha degmada Farlibaax Axmed Aadan xasan ayaa Bogaadiyay Howlgalada ka socda degmada iyo deegaanada kale ee hoos-yimaado. Waxaana uu sheegay in Ciidamada waxii Garab ah ay ku siinayaan si howlgalka usii socda.
Abaabul dagaal oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab ayaa Mudooyinkii dambo ka socda qeeybo badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraam.