Sabdi 02 Agoosto 2025 {HMC} Waxaa maanta Xarunta Isbitaalka Al Ixsaan ee Magaalada Beledweyne lagu soo gabgabeeyay olole indho fiiqis ah oo uu fulinayay Dr Shiine.
Ololahan oo socday mudo seddex cisho ah waxaa ka faaideysay dad tiradoodu gaareyso ilaa 700 oo qof ku dhawaad ilaa 300 oo ka mid ah waxaa loo fiiqay Indhaha dibna waxay u heleen aragooga.
Ololahan indho fiiqista ayaa isugu jirin xiritaanka biyaha indhaha ku furan caadka indhaha ku dhaca ee araga qaada daaweynta xanuunada araga ku dhaca Sida uu sheegay Dr Maxamud Axmed ( Dr Shiine )
Qaar ka mid ah dadkii ka faaideystay Ololahan indha fiiqista ayaa soo dhaweeyay in ay dib u helaan aragooda madaama ay sheegeen in qaarkood ay mudo dheer aysan waxba arkin.







