{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Amaanka oo qabtay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

0
31

Sabti 11 April 2026 {HMC} Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa abaaro 23:40 PM ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Khawaarijtu rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda.

Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.

Dhagarqabihii waday Mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saaraan markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse Ciidamada ayaa ka hortegay dhagartiisa, waxaana lasoo bandhigay sawirrada Hoobiyeyaasha la qabtay iyo Mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.

Qoraalkan iyo Sawirada waxaa lagu Baahiyay SNTV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here