spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Ciidanka AUSSOM iyo Kuwa Deegaanka oo sameeyay Howlgal wada Jir...

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka AUSSOM iyo Kuwa Deegaanka oo sameeyay Howlgal wada Jir ah.

0
33

Isniin 06 Jan 2026 {HMC} Ciidanka BNDF AUSSOM ee saldhigga militariga Mahaday ayaa Axaddii roondo wadajir ah la fuliyay Ciidanka Amniga Soomaaliya.

Howlgalkan  oo laga sameeyay jihada buundada Webiga Shabeelle ayaa daboolay magaalada Mahadday iyo waddooyinka muhiimka ee dhaca nawaaxiga Wabiga Shabeelle.

G.Sare Leonidas Niyonkuru, Taliyaha Guutada 73-aad ee AUSSOM ayaa sheegay in roondada looga gol lahaa qiimaynta amniga maxalliga ah isagoo xusay in dadka deegaanka ay u kala gooshayeen si aan dhib lahayn. Taliyaha SNA, Gaashaanle Aadan Abubakar ayaa xoojiyay doorka roondada ee xaqiijinta badqabka bulshada.

Gaashaanle Désiré Ndihokubwayo oo ah madaxa Hawlgallada AUSSOM ayaa mar kale xaqiijiyay sida AUSSOM ay uga go’an tahay ilaalinta shacabka, wiiqidda halista Al-Shabaab iyo taageeridda Ciidanka Amniga Soomaaliyeed xilli ay si horumar leh ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga qaranka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here