Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarriga ka jaray afar waddo oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumaradda ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo illaa heer Gobol.




