{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Suudaan oo ku dhawaaqday in ay Dib ugu Laabatay Khartuum, markii ay ka adkaadeen Kooxda RSF.

0
17

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa maanta markhaati u ahayd isbeddel weyn, ka dib markii uu Golaha Wasiirada oo uu hoggaaminayo Dr. Kaamil Idiris ay si rasmi ah uga shaqo bilaabeen Caasimadda Suudaan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama ay xukuumaddu dakaasi si toos ah uga hawlgalayso wadnaha caasimadda, taas oo muujinaysa kalsooni iyo dadaal loo galayo soo celinta kala dambaynta dalka Suudaan.

Caasimadda Suudaan ayaa ahayd mid aan degananyn tan iyo markii Abriil, 2023 uu dagaalka ka qarxay Khartuum, kaddib weerarkii ay kooxda fallaagada ah ee RSF ku qaadeen Madaxtooyada iyo Wasaaradda Gaashaandhiga iyo xarumo kale oo muhiim.

Bilaabashada shaqada xukuumadda ee Khartuum ayaa ku soo aadaysa xilli ay jiraan isbeddel ku yimid garab istaagga dowladaha gobolka u fidinayaan Dowladda uu hoggaamiyo Cabdufataax AlBurhaan.

Sida xogaha qaar tilmaamayaan, Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF), iyada oo dalka Bakistaan kala gorgortamaysa heshiis hub oo qiimihiisu dhan yahay $1.5 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here