Jimco 16 jun 2026 {HMC} Madaxweyne H.E Abdikadir Ahmed Aw Aliayaa garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti Mud. Ridwaan Xirsi Bahdoon, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalkeenna Soomaaliya Danjire Maxamed-rashiid.







