Khamiista 6, 2025 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kusoo gaba-gabeeyay.
Tababar socday labo Maalmood Tababarkan oo ahaa mid si gaar ah loogu diyaariyay wariyeyaasha ku cusub warbaahinta oo ay ka qeyb galeen 20 Wariye oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha saxaafadda, gaar ahaan anshaxa saxafiga, hubinta xogta, iyo doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada iyo tabinta colaadaha si taxadar leh.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Jubbaland Abdifatah Mohamed Mukhtar oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) uu kaalin weyn ka qaato tababaridda suxufiyiinta ka howlgala magaalada Kismaayo. Wasiirku wuxuu ku dhiirrigeliyay suxufiyiintii ka qeyb gashay tababarkan in ay ka faa’iideystaan aqoonta la siiyay si ay u horumariyaan shaqadooda.
Prof. Cumar Cabdi, oo ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta Saxaafadda oo isna gabagabadii hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiintu kor u qaadaan aqoontooda warbaahineed, isla markaana ay gaaraan heer jaamacadeed si ay bulshada ugu soo celiyaan waxbarasho iyo adeeg tayo leh.
Faraax Cumar, Xoghayaha Guud ee FESOJ, ayaa ugu dambeyn tilmaamay in tababarkan uu wax weyn ka beddeli doono xirfadda suxufiyiinta Kismaayo, gaar ahaan kuwa sanadihii dambe kusoo biiray saxaafadda.




