{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiye Cali Shacbaan oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha.

0
124

Khamiis 22 August 2024 {HMC} Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Wang Yu oo guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo isbarasho, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Shiinaha Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan iyo xoghaya guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here