spot_imgspot_imgspot_img
Home ARIMAHA BULSHADA {DAAWO SAWIRADA} Independence House, oo Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne.

{DAAWO SAWIRADA} Independence House, oo Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne.

0
16

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}  Madasha oo cinwaankeedu ahaa kaalinta dhallinyarada ee halganka dowlad dhiska Soomaaliya, ayaa waxaa marti sharaf ku ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya, haddana ah guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, Cabdiraxmaan Caynte.

Madasha oo ahayd mid furan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhallinyaro aad u tiro badan oo isku jiray hablo iyo wiilal.

Cabdiraxmaan, ayaa dhallinyarada u jeediyay hadal jeedin daarneyd kaalinta dhallinyarada ee bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tusaaleeyey sida ay dhallinyaradu cudud ugu tahay in la gaaro dowlad wanaag, iyo horumar bulsho.

Dhallinyarada ka qeyb gashay kulanka oo ahaa kuwa dhiirran, ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtiyo iyo su’aalo, waxayna si qoto dheer kaga dooddeen kaalintooda doorashooyinka, iyo horuminta adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here