{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya oo Saldhig Ciidan ka sameeyneyso Xadka Gobolka Hiiraan.

0
154
Sabti 17, Aug 2024 {HMC}  Dowlada itoobiya ayaa Shaacisay in Saldhig Ciidan ay ka hergalineeyso Magalaada Feerfeer ee Gobolka Shabeelle ee dowlada deegaanka Soomaalida, taasi oo Xaduud la leh Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Guud ee Ciidamada milatariga itoobiya ayaa arintan u gaaray Magaalada feerfeer, waxaana uu halkaasi kula kulmay Boqolaal Ciidamo ah oo dhawaan ka gudbay Xadka Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo kale oo dowlada Itoobiya usoo dirtay Magaaladan.
Taliyaha ayaa Ciidamadan u sheegay in Saldhig gaar ah degmada looga sameeyn doono isla-markaana laga sugi doona Halkaasi Guud ahaan amaanka Wadanka itoobiya. Sidoo kale Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in Saldhigan Muhiimad gaar ah ugu fadhiyo dowlada itoobiya.
Waa Saldhigii Labaad Todobaad Gudahiis ay Dowlada Itoobiya ka hergaliso Gobolka shabeelle ee dowlada deegaanka, waxaana todobaadkan la diyaariyay Saldhiga Magaalada Godeey oo asigane dib loo howlgaliyay.
Ilaa iyo hada War Rasmi ah lagama haayo Sababta ka dambeeysay hergalinta Saldhigyadan Cusub oo laga sameeyey Xadka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka, lakiin waxaa uu kusoo aadayaa iyada oo wali ay jiro Khilaafka udhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here