Sabti , 29 Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta booqasho ku tagay Dalka suudaan waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Jeneraal Abdel Fattah Al-Burhan oo ah hogaamiyaha malatariga Suudaan.
Kulanka labada hogaamiye ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Dowladda uudaan ee Magaalada Port Sudan, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarka xaaladda Suudaan, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya labada dhinac.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ku celiyay mowqifka adag ee Eritrea ee ku aaddan, iyo taageerada ay u hayso midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Eritrea ay sii wadi doonto inay garab istaagto Suudaan ilaa laga gaaro nabad waarta.
Jeneraal Al-Burhan, ayaa dhankiisa ammaanay mowqifka Eritrea ee ku saleysan xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada shacab, wuxuuna xaqiijiyay inuu dadaal xooggan ku bixin doono sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas si loogu faa’iideeyo labada dal.




