spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

0
15

Jimco 6 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here