spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Mareykanka oo maanta agab ciidan iyo hub kala duwan ku...

{DAAWO SAWIRADA} Mareykanka oo maanta agab ciidan iyo hub kala duwan ku wareejiyay Ciidanka Soomaaliya.

0
106

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Mareykanka ayaa maanta agab ciidan iyo hub kala duwan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taageeradan ayaa muujinaysa taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanku la garab taagan tahay Soomaaliya, iyo iskaashiga amni ee labada dhinac ee lagu xoojinayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan in kooxaha argagixisadu aysan haysan meel ay kaga dhuuman karaan gacanta Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Waxaana ka go’an ciribtirka haraadiga argagixisada, iyadoo hawlgallada la sii wadi doono ilaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here