spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Markab Dagaalka oo Turkiga ayaa ku soo xirtay Dakadda Muqdisho...

{DAAWO SAWIRADA} Markab Dagaalka oo Turkiga ayaa ku soo xirtay Dakadda Muqdisho iyo Masuuliyiin Booqatay.

0
12

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Badda Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.

Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha CXD waxaa ku wehliyay booqashada Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo kuwa Turkiga.

Booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here