Axad 25 August 2024 {HMC} Qaar kamid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye kumatala baarlamaanka 11-aad ee Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa galabta shir kuyeeshay magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen xaalka dalka, gaar ahaana cabashada shacabka iyo ganacsatada magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa isla qiray in culeys wayn saaran yahay ganacsatada, oo labo dhinacba ka haysta, Dawladda iyo Argagixisada, taas oo mustaqbalka ganacsiga dalka halis ku ah.
Xildhibaanadu oo uu shirgudoominayay MW hore Xildhibaan Shariif Sh Axmed ayaa ku eedeeyey xukuumadda Federaalka, ka been sheegid xaaladda dalka ee dhabta ah, waxayna isku raaceen in qeybaha bulshada ay kulamo layeeshaan, si Tabashadooda u horgeeyaan golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.




