Arbaco 18 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Kornayl Saahid Jareere, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa halkaas u gaaray dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee guulaha ka gaaray howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidanka kusugan halkaasi ku ammaanay naf-hurnimada iyo dhiirranaanta ay muujiyeen, iyo sida mar walba ay uga hortagaan dhagarta cadowga.
Gobolka Shabeellaha Hoose, geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgalka Badar ee bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo Khawaarijta looga saaray dhul ballaaran oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.




