{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Oo Gaaray Sh-dhaxe.

0
30

Talaado Dec 16, 2025 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Gen Khaalid” ayaa kormeer shaqo ku tegay Deegaano dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellaha Dhaxe .

Taliyaha oo ey wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn kulamo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur Qaasim Furdug iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada dhaca jiinka webiga ee gobolka shabeellada dhexe.

Gen Sahal Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay sida naf hurnimada leh ee geesiyaasha ciidanaka xoogga dalka soomaaliyeed u dhabar jebinayaan cadawga argagexisada ah , waxa uuna faray saraakiisha ineey laba jibaaraan waajibaadkooda ciidan .

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo khawaarijta lidiga ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed , iyagoo sameeyay howlgalo guulaystay oo sababay amni iyo xasilooni baahsan oo ay heleen shacabka soomaaliyeed. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here