Isniin 27 Jun 2025 {HMC} Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidaamada Dowladda kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ayaa maantay ka qarxay deegaano hoostago Dagmada Bulo burte ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeeyso magaalooyinka Buulo Burde iyo Halgan, gaar ahaan deegaano ku dhaw Beera Yabaal,
Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay taageerayaan ciidamada degaanka ee maleeshiyada ay weerareen aagaga ay isku urursanayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka ay soo bandhigeen Meydad ay sheegeen in ay ka dileen Al shabaab.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dagaalka hogaaminaayo ayaa sheegaya in dagaalkaas looga saaray Al shabaab degaano ay ka mid yihiin Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.
Dagaalka maanta ka qarxay Gobolka Hiiraan ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan Taliyeyaasha Milateriga iyo Agaasimaha Nabadsugida ay halkaasi ka wadeen abaabuul ay ku doonayaan in ay Alshabaab kaga saaraan meelaha ay Gobolka Hiiraan uga sugan yihiin, gaar ahaan agagagaarka Webiga Shabelle.




