Khamiis 22-Jun 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Odawa Yusuf Ragr oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaaliyeed.
Munaasabadda, oo ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaa soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isaga oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xirfadaha iyo aqoonta ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan awoodda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




