Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray la dagaalanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada iyo wadashaqeynta labad dhinac.
Booqashada waxaa Wasiirka ku wehliyay siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xassan, Wakiilka IMCTC u fadhiya Soomaaliya S/Guuto Cabdiraxmaan Turyare, iyo masuuliin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamadii aasaasay Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada, taasoo muujinaysa doorka firfircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada.




