{DAAWO SAWIRADA} Xasan sheikh oo Garoonka Adan Cade Ka Sagootiyay Dhawacyadii SYL

0
86

Axad-17-March, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii AS ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhax eeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here