Isniin, 18 August 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo weerar culus oo xakay maleeshiyaadka AS ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Barujeed ee dueedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Wararka oo ahaa mid kooxdu ay ku bilawday bambooyin ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray maleeshiyaadka AS iyo ciidamada iskaashanaya ee ku sugan deegaanka Barujeed ee duuleedka Baydhabo.
Wali si rasmi ah looma oga khasaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Barujeed oo ka mid ah meelaha sida weyn looga ilaaliyo amniga guud ee magaalada Baydhabo oo caasimad ku meel gaar u ah Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa fashiliyay weerarka iyo damaca kooxda oo ahaa iney gacanta ku dhigto deegaankaan istaraatiijiga ah ee ku yaala duuleedka magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii Kooxda AS ayaa marar badan sidaan oo kale weeraro culus oo ay u adeegsadeen qaraxyo Ismiidaamin ah iyo kuwa fool ka fool ah ugu qaaday gudaha deegaanka Barujeed oo ay si weyn u doon dooneyso kooxdu iney la wareegto, hayeeshee wali damacyadaasi kuma guuleysan kooxdu.



