Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC} Dagaal u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida ayaa galabta ka bilowday degmada Hudhet ee gobolka Daawa, halkaas oo ay soo weerareen ciidamo iyo maleeshiyaad Oromo ah oo gudaha usoo galay Deegaanka Soomaalida.
Dagaalka ayaa bilowday Salaaddii Casar, waxaana uu ka socdaa meel 25KM u jirta xarunta degmada Hudhet, halkaas oo ay maanta galeen ciidamo badan oo Oromo ah.
Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee goob-joogeyaal ku sugan halka uu dagaalku ka socdo ayaa u xaqiijiyey KaramaraTV in dagaalku uu culus yahay, dhinaca Oromadana ay ka yimaaddeen ciidamo badan oo duullaan ah.
Maamulka Deegaanka Soomaalida iyo laamaha amniga midkoodna kama hadal dagaalkan, hase yeeshee qabalaha Banqoor oo ka tirsan Hudhet ayaa habeen hore ay Oromadu weerar gaadmo ah kusoo qaadday waxaanay ku dileen saddex qof oo isku qoys ah oo uu dhalay Ugaas Abaayle.
Oromada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxa ay ciidamo badan ku ururinayeen deegaanka Bolihuura oo u dhow xuduudka Soomaalida, waxaana qaybo ka mid ah ciidankaasi ay maanta soo galeen gudaha DDS oo ay dagaal ka bilaabeen.



