khamiis 10, April-2025 {HMC} Dagaal Culus oo u dhaxeeyo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka iyo AS yaa Maalintii sadaxaaad ka soconaya Degaanka Abooreey oo hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ,
Dagaalkan ayaa Xoogiisa waxaa uu ka socnaya Gudaha Deegaanka iyagoona kuwada Dagaalamaya labada Dhinac
Saraakii ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda AS ay inta badan ka saareen Gudaha Magaalada Abooreey Balse Dagaalka Xoogiisa uu ka soconayo Duleedka Deegaanka
Inta uu socday Dagaalka waxaa ku Geeriyooday Saraakiil ka tirsan kuwa Deegaanka iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu kamid yahay Taliyihii ururka 163 Guutada 16 ee Kumaandooska Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Saacadihii ugu Dambeeyey Gurmayo kala Duwan oo ka kala Baxay Deegaanada iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa Gaaray Furimaha Hore ee Dagaalka si ay kaga qeeyb qaataan Howlglada ka socda Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ka soconaya Deegaanka Abooreey ayaa saraakiisha Ciidamada Deegaanka Qaarkood wexeey Aaminsan yihiin ineey heli waayeen Duqeeymihii dhinaca Cirka Alshabaabne Fursad u siisay ineey kasii Dagaalamaan godad la sheegay ineey halkaasi ka qoteen iyo Difaacyo ay ka galeen masaajid ku yaalo Deegaanka abooreey
sidoo kale Koxda AS ayaa kasoo Gudbaya Deegaanka Jiinka wabiga shabelle iyagoo ku sugan Deegaanada Galbeed ee Gobolka Hiiraan.
horaantii Todobaadkan Xubno ka tirsan kooxda AS ayaa taagay Deegaanka Abooreey oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo dhowr jeer oo kala Duwan Dabayaaaqadii Sanadkii 2022 kula Dagaalamay kooxda AS.
Deegaanka Aboorey ayaa qiyaastii 30 KM Dhica waqooyi wexeey kaga Beegan tahay Degmada Buulo Burde wexeeyna u dhaxeeysaa magaalooyinka halgan iyo Buulo Burde.



