spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dagaal Sababay khasaaro oo ka dhacay Baladweyne.

Dagaal Sababay khasaaro oo ka dhacay Baladweyne.

0
110

Jimco 11-10-2024 {HMC} Dagaal ka bilow aroornimadii hore ee saakay magaalada Baladweyne ayaa goordhow soo dhamaaday kaas oo ka dhacay lama galay xarunta taliska guutada 5-aad Qeybta 27aad ee CXD.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay askar kala taabacsab Maamulka Hirshabelle iyo Hiiraan State, waxaana jira khasaaro la xaqiijiyay oo ka dhashay dagaalka dhacay saakay oo jimco ah.

Hal askari oo dhaawac uu kasoo gaaray rasaasta la is weydaarsanayay ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray kaas oo la geeyay isbitaalka guud ee gobalka Hiiraan ee Magaaladda Baladweyne.

Faragalin ay odayaasha dhaqanka sameeyeen ayaa la sheegay in lagu kala qaaday ragii saakay wada dagaalamay ee is hor fadhiyay tan iyo habeen kii xalay ahaa.

Saraakiisha amniga ee magaalada Baladweyne ayaanan wali ka hadlin dagaalkaan saakay ay ku waabariisteen shacabka magaaladda, halka Hiiraan state ay guulo ka sheegteen dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here