spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dagaalka India iyo Pakistan oo sii xoogeystay iyo Delhi oo…………..

Dagaalka India iyo Pakistan oo sii xoogeystay iyo Delhi oo…………..

0
38

Sabti 10, May 2025 {HMC}– Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa isweydaarsaday madaafiic iyo rasaas culus oo ka dhacay xadka ay wadaagaan
ee Kashmir, taasoo lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, iyada oo ay
cirka isku sii shareertay xiisadda milatari ee labada dal ka dhaxaysa, kaddib
weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa dhanka ay Hindiya maamusho ee
gobolka muranka ka taagan yahay.

Sida uu sheegay sarkaal booliis oo Pakistani ah oo lagu magacaabo Adeel
Ahmad, ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 12 kalena way ku
dhaawacmeen duqeymo culus oo ka dhacay meelaha ku dhow xadka kala
qaybiya Kashmir ee loo yaqaan Line of Control. Dadka ku nool tuulooyinka
xadka ku teedsan ayaa sheegay in rasaastu ay socotay ilaa waaberigii
Jimcaha.

“Waan la qabsanay dhawaqa rasaasta is-dhaafsiga ah ee Pakistan iyo
Hindiya ee ka dhacda Line of Control-ka, laakiin habeenkii xalay wuu ka
duwanaa,” ayuu yiri Maxamed Shakil oo ku nool deegaanka Chakothi ee ku
dhow xadka.

Dhanka Hindiya, saraakiisha milatariga ayaa sheegay in ciidamada Pakistan
ay xalay duqeeyeen dhowr fariisin oo ku yaalla dhulka ay Hindiya maamusho
ee Kashmir, iyagoo adeegsanaya madaafiic, hoobiyeyaal iyo rasaas toos ah.
Ciidamada Hindiya ayaa is difaacay, taasoo keentay dagaal xooggan oo
socday ilaa waaberiga.

Booliisku waxay sheegeen in laba qof lagu dilay afar kalena lagu dhaawacay
qaybo ka mid ah aagagga Uri iyo Poonch, taasoo tirada dhimashada rayidka
ee Kashmir-ta ay Hindiya maamusho tan iyo Arbacadii gaarsiisay 18.
Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in madaafiicda iyo hoobiyeyaasha
Hindiya ay ku dileen 17 qof oo rayid ah dhulka Pakistan maamusho

Labada dhinac oo is-dhaafsaday weerarro iyo eedeymo

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee leh awoodda nukliyeerka ayaa cirka isku
sii shareertay tan iyo weerarkii 22-kii Abriil ka dhacay goob dalxiis oo caan
ah oo ku taalla Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, kaasoo lagu dilay 26 qof
oo rayid ah, intooda badanna ahaa dalxiisayaal Hindu ah oo ka yimid gudaha
Hindiya. New Delhi ayaa Pakistan ku eedeysay in ay taageertay weerarkaasi,
hase yeeshee Islamabad ayaa si cad u beenisay.

Arbacadii, Hindiya ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday dhowr goobood oo ku
yaalla dhulka Pakistan, kuwaasoo ay sheegtay in ay saldhigyo u ahaayeen
kooxo hubeysan. Sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan, weerarkaasi wuxuu
sababay dhimashada 31 qof oo rayid ah. Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay
in ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah.

Khamiistii, Hindiya waxay sheegtay in ay fashilisay weerarro ay Pakistan ku
qaaday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla in ka badan toban magaalo
iyo tuulo, oo ay ku jirto magaalada Jammu ee Kashmir-ta ay Hindiya
maamusho. Pakistan ayaa beenisay in ay geysay weerarro noocaas ah.
Dhanka kale, Hindiya ayaa sheegtay in ay beegsatay nidaamyada difaaca
cirka iyo raadaarada Pakistan ee u dhow magaalada Lahore. Wararkaasi

Ciidanka cirka Hindiya ayaa Jimcihii sheegay in Pakistan ay habeenkii hore
soo furtay 300 ilaa 400 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones),
kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo milatari oo ku yaalla ku
dhowaad saddex iyo labaatan goobood oo xadka galbeed ah.

Sida uu sheegay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Cirka, Vyomika Singh, qaar
badan oo kamid ah drones-kaas ayaa la burburiyay iyadoo la adeegsanayay
“habab toos ah iyo kuwa aan toos ahayn.”

Afhayeenka ciidamada Pakistan, Lt. Gen. Axmed Sharif, ayaa si adag u
beeniyay sheegashada Hindiya. “Ugu yaraan hal burbur drone ah na tus si
aad u caddeyso eedeynta,” ayuu yiri isagoo warbaahinta la hadlay Jimcihii.

Sharif wuxuu intaas ku daray in tan iyo fiidkii Arbacadii, Hindiya ay gudaha
Pakistan ku soo ridday 77 diyaaradood oo weerar ah oo lagu sameeyay
Israa’iil, kuwaasoo dhammaantood la burburiyay, burburkoodana ay
uruuriyeen ciidamada Pakistan. “Wax kasta oo ay soo diraan, annaga
waxaan ka dhigi doonaa burbur,” ayuu yiri.

Dhanka kale, barta bulshada ee X (Twitter) ayaa Khamiistii sheegtay in
dowladda Hindiya ay ku amartay in ay xayirto in ka badan 8,000 oo akoon
oo laga heli karo gudaha dalka, kuwaasoo ay ku jiraan “hay’ado
warbaahineed caalami ah iyo dad caan ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here