Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Mareykanku ay horumar ka samaynayaan, dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Waxay diyaarinayaan oo ay ku howlan yihiin heshiis labada dhinacba u wanaagsan.
Trump wuxuu xaqiijiyay in weli lagu jiro wadaxaajood ku saabsan in Ukraine ay ka tanaasusho dhul, halka tanaasulka ugu weyn ee Ruushka uu noqonayo joojinta dagaalka.
Ergeyga gaarka ah e Trump, Steve Witkof,f wuxuu u safri doonaa magaalada Moscow toddobaadyada soo socda, si uu wadahadallo dheeraad ah ula yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.






