Axad 25, Jan 2026 {HMC} Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha kooxda As lagu gaarsiiyay dagaaladii ka dhacay magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiye Xasan Nuur ayaa sheegay in tirada xubnaha As ee lagu dilay Jasiiradda Kudhaa iyo nawaaxigeeda ay kor u dhaaftay laba boqol oo xubnood, islamarkaana sidoo kale nolosha looga qabtay sideed nin oo maxaabiis.
“Nimankaasi sidaad ogtihiinba weerar bay nagu soo sameeyeen, runtii waan iska caabinay dib ayaana u celinay, dhimashadooda hadda waxay mareysaa 250, weli waxyaalo kale oo la soo qaadayo way jiraan oo saacaddan lagu maqan yahay oo la soo wado, laakiin dhimashadooda hadda aan xaqiijinay waa 250.” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi.
Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha degmada Badhaadhe inuu indhihiisa ku arkay sideed ka mid ah baabuurta dagaalka ah ee maleeshiyadka As looga burburiyay dagaalkii ka dhacay Kudhaa iyo nawaaxigeeda.
“Runtii khasaare aysan kasoo kabsan doonin baa meeshaa kasoo gaaray AS, mana u maleynayo inay dib dambe u soo haweysan doonaan deegaanada Jubbaland” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu wali ay ku daba jiraan firxadka Kooxda As , islamarkaana xaaladda Kudhaa ay haatan degan tahay ayna dib ugu soo laaban hayaan guryahooda dadkii barakacay.






