Dalalka Ingiriiska, Turkiga , Norway iyo Japan oo War ka soo saaray Xiisada Eritrea iyo Itoobiya.

0
27

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Dalalka Ingiriiska, Turkiga , Norway iyo Japan ayaa warsaxaafadeed wadajir ah ugu baaqay Eritrea iyo Itoobiya inay ilaaliyaan heshiiskii nabadda ee labada dal oo sannadkii 2000 ay ku kala saxiixdeen dalka Aljeeriya , markaa oo la soo gabagabeeyay dagaal muddo socday oo labada dal u dhaxeeyay.

iyadoo sidoo kale dalalkan ay ku baaqeen in labada dal ay dhowraan madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee midba midka kale , xilli ay sare martay xiisadda u dhaxeysa Eritrea iyo Itoobiya oo warbaahinta isku marinaya hadallo hanjabaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here