Khamiis 12 March 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Urdun, Indonesia, Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku xirtay Masjidka Al-Aqsa muddo 12 maalmood oo xiriir ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
War-murtiyeed ay soo saareen dalalkaan ayay ku sheegeen in tillaabada Israa’iil ay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah, isla markaasna lagu cunaqabateynayo dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Qudus.
Dalalkaan waxay hoosta ka xariiqeen in Israa’iil aysan xaq u laheyn maamulka Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa iyo goobaha kale ee cibaadada, isla markaasna ay si degdeg ah xayiraada kaga qaado Masjidka.
Waxay caddeeyeen in guud ahaan aagga Masjidka Al-Aqsa uu yahay goob u gaar ah Muslimiinta, maamulkiisuna uu si gaar ah u khuseeyo waaxda Awqafta ee hoostagta dalka Urdun.
Dalalkan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u furto albaabbada masjidka, meeshana ka saarto xannibaadaha culus ee ay saartay dadka cibaadaysanaya.
Israa’iil ayaa dhankeeda xanibaada ay saartay masjidka ku tilmaamtay mid amni oo la xiriirta dagaalka ay kula jirto Iiraan, balse hadalkaasi ayaa loo arkaa mid runta ka fog oo aan sax aheyn.



