Dalalka Khaliijka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada Iiraan ku soo qaadday dhulalkooda, iyagoo ku tilmaamay gardarro bareer ah oo wax u dhimaysa amniga gobolka iyo sharciga caalamiga ah.
Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u ahayd baaqyada cambaareynta, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri: “Waxaan cambaareynaynaa weerarka Iiraan ku soo qaadday wadankeena, marna ma ogolin in lagu xadgudbo madaxbannaanida dalkeena. Waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga qaranka.”
Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegay inuu adeegsan doono Awoodiisa si uu difaaco dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qadar, Kuwayt iyo Urdun.
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqay inay u taagan yihiin difaacista dalkooda, iyagoo yiri: “Xaq ayaan u leenahay in aan is difaacno, waxaan diidanahay weerar kasta oo nalagu soo qaaday. Ma aqbalayno in la khatar geliyo amniga shacabkayaga iyo xasiloonida dhulkayaga.”
Dowladda Qadar ayaa iyaduna muujisay walaac xooggan, iyadoo weerarka ku tilmaamtay mid ka baxsan diblomaasiyadda. “Weerarka Iiraan nagu soo qaaday wuxuu dhaawacayaa Madaxbannaanida dalkeena, waana wax laga xumaado oo aan loo dulqaadan karin,” ayay lagu yiri qoraalka ka soo baxay Doha.
Ugu dambeyntii, Dowladda Kuwait ayaa ku tilmaamtay falka Iiraan mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah, iyadoo tiri: “Iiraan waxa ay weerar ku soo qaadday dhulkeena, waana xadgudub bareer ah oo ka hor imaanaya Sharciga Caalamiga ah. Beesha caalamku waa inay mas’uuliyad iska saartaan joojinta gardarradan.”
Dalalka Khaliijka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xulafada caalamiga ah inay soo farogaliyaan xaaladaan, si looga hortago dagaal ka qarxa gobolka.
Weeraradaan ayaa ku soo aadaya xilli Israa’iil iyo Mareykanka weerar ku qaadeen Caasimadda Iiraan ee Tehraan, halkaasi oo la soo warinayo inuu khasaare ku soo gaarey dad rayid ah.






