Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale uu dib u qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga gobolka Tigray ee TPLF.
Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Tsemlet oo ku yaalla dhanka Galbeedka Tigray, waxaana isku haysta maamullada Tigray iyo Amxaarada.
Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, dagaalkan wuxuu sababay in gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobolka, waxaana muuqata in xaaladdu ay kasii darayso.
Gobolka Tigray waxaa hadda ka taagan xaalad dhinaca nolosha ah, waxaana dadku wajahayaan gaajo maadama Hay’adihii caalamiga gaar ahaan USAID ay jarteen gargaarka Bani’aadanimada ahaa.
Dagaalkan cusub ayaa cabsi ku abuuray dadka rayidka ah, iyadoo laga baqayo inay dib ugu laabtaan colaaddii dhiigga badan ku daatay ee horay u dhex martay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigrayga intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.






