Dalka Turkiga ayaa waxa kadhacay weerar sababey Dhimasho iyo dhaawac .

0
2

Talaado 7 April 2025 {HMC} Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo lagu qaaday meel u dhow qunsilyada ay Israa’iil ku leedahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, laba askari oo boolis ahna ay ku dhaawacmeen weerarkan oo la sheegay inuu is rasaaseyn.

Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee Turkiga saddexda qof ee la dilay ayaa ahaa kooxdii weerarka soo qaadday, kuwaas oo ay toogasho ku dileen ciidamada ammaanka ee Turkiga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddex nin oo ku socday gaari ay yimaadeen dhismaha hortiisa, ka dibna ay isku dayeen inay rasaas furaan.

Ciidanka booliska ee ilaalada ka ahaa dhismaha ayaa durbadiiba ka jawaabay weerarka, halkaasna ay ka dhalatay israsaaseyn sababtay dhimashada saddexda nin.

Waxaa la xaqiijiyay in xilliga uu weerarku dhacayay aysan dhismaha ku sugnayn wax dibloomaasiyiin ah oo u dhashay dalka Israa’iil, kaliyaha goobta waxaa joogey shaqaale u dhashay dalka Turkiga.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin laga bixiyay haybta dadka weerarka soo qaaday iyo ujeedada ka dambaysay falkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here