Darawallada kaxaysa Mooto Bajaajta oo Dibadbax kawada Muqdisho

0
10

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Darawallada kaxeeya mooto Bajaajta ayaa dibadbax cabasho ah kawada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Inta u dhaxaysa Isgoyska Taleex iyo Kiilo-mitir afar (KM4) iyaga oo ka cabanaya qiima kororka ku yimid shidaalka.

Wadayaashaan ayaa sheegay in qiimaha la iibinayo uu ka badan yahay labo laab intii la iibinayay 11 cisho kahor, waxa ay dalbadeen in mas’uuliyiinta Dowladda ay soo kala dhex galaan si xal looga gaaro lacagahaas lagu kordhiyay.

Waxa ay ku doodeen in muddo ay ka warsugayeen Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir balse markii ay hadal ka waayeen isla markaana qiimaha kusii kordhay in ay qabteen dibadbaxaan sida ay hadalka u dhigeen.

Ganacsatada waxa ay kordhinta shidaalka qiil uga dhigteen colaadda ka jirta bariga dhexe maadaama marinka Hormuuz ay xirtay Iiraan, halka Mootooleydu ay ku doodeen in shidaalkii yaallay ay lacago badan ka siinayaan Ganacsatada.

Ma jiro mas’uul dowladood oo hortagay darawalladaan kaxeeya mooto Bajaajta, inta badan marka ay sidaan oo kale dibadbax dhigaan waxaa u taga mas’uuliyiin u badan hay’adaha ammaanka oo kala hadla cabashadooda si dib loogu furo waddooyinka ay xirteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here