Dawladda Eritrea oo ku dhawaaqday in ay isaga baxday xubinnimada Urur gobolleedka IGAD.

0
30

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Dawladda Eritrea ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday xubinnimada urur gobolleedka IGAD, iyadoo warsaxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea lagu sheegay.

“Eritrea waxay isu aragtay inay ku qasban tahay inay ka baxdo xubinnimada urur lumiyay waajibaadkiisii sharci iyo awooddiisii, isla markaana ku fashilmay inuu si wax ku ool ah uga qayb qaato xasilloonida gobolka.”

Go’aankan wuxuu soo baxay xilli uu sare martay xiisadda Eritrea iyo Itoobiya , xilli urur gobolleedka uu muddooyinkii dambe lumiyay saameyntiisa. Eritrea.

Waxay u aragtaa ururka mid aan lahayn awood uu ugu dhaxeeyo dalalka xubnaha ka ah iyo urur u xagliya Itoobiya oo hoggaamisa.

Dhinacyada kale ee ururka saameynta ku leh sida Jabuuti oo xarun u ah ma jirto wax xiriir ah oo ay Eritrea la leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here