spot_imgspot_imgspot_img

Dawladda Soomaaliya oo hadal ka soo saartay eedeyn ka timid Maraykanka oo la xiriirta gargaar la lunsaday

Khamiis 8 jun 2026 {HMC} Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay raashin gargaar oo la sheegay in lala baxay, ayadoo dawladdu Maraykanku sheegtay in ay joojisay kaalmadii gargaarka ee ay Soomaaliya siin jirtay arrintaas darteed.

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in raashinkaas uu koonatroolkiisa gacanta ugu jiro hay’adda WFP, taasoo ay ku jirto caawimada ka timid Maraykanka.

Waxaa kale oo dawladda Soomaaliya ay intaas ku dartay in in bakhaarrada WFP ee la sheegay in raashinka lagala baxay ay k yaallaan meel u dhow dekedda Muqdiho, halkaasoo ay ka socoto hawl ballaarin ah, tasoo qayb ka ah horumarinta dekedda.

“Hawlahaas saamayn kuma yeelan haynta, maamulka ama qaybinta gargaarka bani’aadminimo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa soo baxay ayadoo Ameerikaanku sheegay in uu joojiyey dhammaanba gargaarkii uu siin jiray dowladda Soomaaliya, iyadoo sababta uu ku sheegay dhacdo la sheegay oo ah in saraakiil ka tirsan Soomaliya ay burburiyeen bakhaar ay lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) isla markaana ay kala baxeen 76 metric tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed ee nugul.

WARARKA