Axad 06, Dec 2025 {HMC} Dawladda Spain ayaa diiday ka qeybgalka bandhigga heesa Eurovision oo sannadkan lagu qabanayo magaalada Vienna ee dalka Austria, kaddib markii la sheegay inay Israa’iil ka qeybgalayso.
Waxaase dad badan soo jiitay sida ay dawladda Spain u shaacisay inaysan ka qeybgeli doonin , markii telefishinka Spain laga sii daayay muuqaal labada dhinac lagu muujinayo duqeymaha Israa’iil iyo xaaladda Qasa ay ka geysatay iyo dhinac kale oo bandhigga uu ka soo muuqanayo.
Dalalka kale , oo ay ku jiraan Netherlands, Ireland iyo Slovenia ayaa qaatay go’aan ay ku joojiyeen ka qeybgalka bandhigan, sabab la xiriirta inay ka soo horjeedaan Israa’iil inay qeyb ka tahay.






