spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Deema Fayyad oo ah Gabar Reer Falastiin oo ka hadashay Xaalada adag...

Deema Fayyad oo ah Gabar Reer Falastiin oo ka hadashay Xaalada adag ee ay ku noolyihiin.

0
27

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} ‘Markii ay Qasa gashay go’doomin dhab oo la joojiyay dhaqdhaqaaqa oo dhan, loona diiday inay wax cunto ah ay soo gasho , waxaa si dhaqso ah u bilowday inuu raashinku dhammaado, qoyskaygu waxay ku khasbanaadeen inay la yimaadaan xeelad ay ku sii noolaan karaan, si ay u helaan beddelka raashinka laga waayay suuqa.

Wax walba markii ay dhammaadeen, waxay dadku billaabeen inay hindisaan habab beddel u noqon kara cunada la waayay, iyadoo la adeegsanayo waxyaabaha yaryar ee laga heli karo suuqyada, waxaana nagu dhashay fikrado aan waligeen nagu soo dhicin, waxa ugu daran markii la waayay sareenkii iyo burkii oo ahaa waxa ugu badan ee dadka reer Qasa cunada u ahaa , markii uu sareenka naga dhammaaday waxaa bilowday hal abuur cusub, waa in baastada loo beddelo sida burka oo laga sameeyo rooti, waana xeelad ay adeegsadeen inta badan dadka Qasa.

Rootigu wuxuu udub-dhexaad u yahay cunnadayada maalin kasta, balse macaluushu waxay ka dhigtay suuqa mid ka dhammaada, miraha, khudaarta, ukunta, farmaajada, digaagga iyo hilibkaba meel kasta haddii aad tagtid lacag walba bixi ma ka helaysid Qasa.

Dadka halkan jooga waxay doorbidaan inay baasto u adeegsadaan sida burka ,halkii ay baasto cunto ahaan u karin lahaayeen.

Sababtu waa in rootiga laga dhigan karo qado, cashada iyo quraacda, halka baastada badanaa kaliya loogu talagalay qadada ama aanan marar is xigxigta la cuni karin.

Dadku sidoo kale inta badan marka ay rootiga cunayaan waxay aaminsanyihiin inay dhargayaan oo caloosha u buuxinayo si ka duwan baastada.

Bilowgii bishii June ee sannadkan, markii ugu horreysay ayaan isku daynay inaan ka sameyno rootiga baastada.

Xaaska walaalkay Fady, oo la yiraahdo Doha, ayaa la xiriirtay qoyskeeda oo muddo ku noolaa habkan inay baastada u beddelaan rooti, waxayna waydiisay sida loo sameyn karo.

Doha oo ay caawinaysay hooyaday Saham ,waxay baastada ku qooyeen biyo illaa ay jilcday, kadibna waxay ku dareen bur yar, si fiican ayayna u qasheen illaa ay cajiin noqotay.

Aad buu u adkaa, waqti iyo dulqaad badan ayuu u baahnaa, rootiguna ma ahayn mid la mid ah kii burka laga sameyn jiray.

Kadib markii la sameeyay cajiinkii, walaalkay Fady oo 35 jir ah ayaa qaaday si uu ugu dubo foornada dadweynaha, halkaas oo uu saf ku jiray 30 ilaa 45 daqiiqo.

Markuu kusoo laabtay oo la soo dubay rootigii laga sameeyay baastada, wuxuu lahaa muuqaalka burka, xataa dhadhanka si ka duwan waxa aan fileynay wuxuu u muuqda in bur laga sameeyay, waxaan arkayay dhoolacadeynta qoyskeyga oo dareemayay in hadda ay heleen xal ay ku noolaan karaan muddo.

Laakin, hal abuurka in baastada loo adeegsado sida burka oo laga sameeyo rooti wuxuu wada gaaray Qasa, waxaana dhacday in baastadii ay suuqa gabaabsi ka noqoto oo qiimo sare lagu iibiyo, halkan ayay dhibaato kale nooga billaabatay, waana in qoyskeyga aysan heysan lacag ay ku iibsan karaan, dhoolacadeyntiina waxay isku rogtay murugo uusan qofna dooneyn inuu bannaanka usoo saaro.

Mar kale ayaan fikirnay waxaana iskudaynay hal abuur cusub, kaasoo ah in digirta cad aan ka dhigno sida burka oo la burburiyo kadibna la qaso, laakin way ka adkeyd baastada , halkii markii hore dumaashiday iyo hooyo ay ku filnaayeen baastada inay bur ka dhigaan, digirta waxaan ku qasbanaanan qof walba inuu mar xasho, markii si la mid ah sida burka baastada la geeyay foornada, waxaa noo soo noqday rooti ka duwan midkii hore oo afka markii la galiyo adag, dhadhankana noqday mid aan rooti loo qaadan karin, ma jirin dookh kale qof walbana wuxuu niyadiisa u sheegay inuu bur cunayo, maalmo markii burkan uu yaalana wuxuu noqonaya sida dhagixii oo waxaad u jajabinaysa sida inaad dhagax feenanayso.

Xaaladaa adag, waxaan go’aansanay inan digirta si toos ah u karino, halkii aan rooti ka dhigi lahayn.

Toddobaad kasta wuxuu hadda dhammaanaya iyadoo wax kasta oo aan heysanay ay dhammaadeen, xataa waxaan sameysanay cuno aan jirin annagoo niyada u sheegayna inan cuno sugeyno, ama sameynayna walxo kale, sababtoo ah waxaa dhammaaday waqtigan aan sheekadan soo gudbinayo baastadii iyo xataa digirtii, qiimo kastana waxba ma gooyaan oo ka heli maysid Qasa, wax aad dhuunta ka dejiso, waxaan ku jira marxalad wareer iyo dhulka ila wareeganayo, maxaa yeelay aad ayaan u gaajoonaya, waxaan dareemaya sida inan ruxmayo oo dhul gariir aan ku dhex jiro, madaxa wuxuu ii xanuunaya si aan horey u qiyaasin, waan dhididayaa xilli walba, carabkeygana waa mid qalalan oo aan la dhaqaajin karin, wax kale ma ahaa waan gaajoonaya, mana jirto qof aniga iga duwan oo aad Qasa ku arkeyso, qof walba ayaa gaajoonaya!
Marka go’doomintan iyo gaajada aan ka baxno , waxaan rabaa inaan cuno wax walba , laakin ma doonayo inan cuno baasto, digir iyo wixii aan cunay inta aan ku jiro xaaladan.

Waxaan doonayaa gaajada igu riday wareerka iyo tabar darada magdhowgeeda oo ah inaan cuno badan cuno oo ay ku jiraan khudaar, miraha, ukun ama hilibka oo aanan helin iyo inaan helo cuno kasta oo ay ku jiraan wixii aan doonayay inan helo mar kasta oo aan gaajoonayay.’

XIGASHO Iman Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here