Isniin 08 julay 2024 {HMC} Ciidamo la tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgal culus kula dheelmaday xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajhalkaas oo ay ka bilaabeen howlo burburin ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa lasoo wariyay in xalay saqdhexe ay tageen xaafaddaas oo ay horay amar uga soo saartay dowladda Soomaaliya, si looga guuro maadaama uu yahay dhul danguud ah.
Gaadiidka Cagaf-cagafka ayaa la geliyay gebi ahaan dhulka dab-damiska, kuwaas oo burburin ku haya guryaha ay muddada dheer ay daganaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay xaafadda ka qaataan alaabtooda inta ay awoodaan, maadaama aan gaadiid loo ogoleyn gudaha halka uu howlka ka socdo, waxayna isticmaalayaan xoogooda.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dab-damiska, sida Isgoyska Banaadir, illaa Seybiyaano.
Ciidamada ayaa celinayaa gaadiidka iyo xittaa dadka lugeynaya, waxaana kaliya in laga soo baxo halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Xaafaddan dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, balse saaka ayay dowladdu qaaday tallaabo culus oo xoog loogu rararayo shacabka ku dhaqan halkaasi.



